Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan ku cel celiyay in xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed ka buuxaan xubno badan oo katirsan Villa Soomaaliya iyo taliska NISA.
Waxa ayna sheegeen musharaxiinta in aysan ka qeyb gali karin doorasho ay maamulayaan saraakiil iyo ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya uu soo xulay sida ay tilmaameen taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin.
Madaxda maamul goboleedyada taabacsan dowlada federaalka ayaa marar badan ka codsaday golaha midowga Musharaxiinta in ay soo bandhigaan liiska iyo magacyada xubnaha NISA katirsan ee ku jira guddiga doorashooyinka.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo katirsan golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si cad u sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha ku jira Guddiga Doorashooyinka ee ka tirsan NISA.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaana cabsi badan ka qaba in dhibaato kasoo gaarto hadii ay gudbiyaan magacyada xubnaha hay’adda NISA katirsan ee hadana qeybta ka ah guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.
Dad badan ayeyna layaab ku noqotay in Musharaxiinta oo marar badan ku cel celiyay in guddiga doorashada ka buuxaan xubno katirsan Hay’adad NISA hadana ka cabsadaan soo bandhigida xubnahaasi ay sheegeen in guddiga ku jiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/u-F_4zBARak