Allbanaadir.com
NEWS

Wax badan ka Ogow Fahamka Maamulka Shaqada iyo Shaqaalaha

Allaa Mahad leh, Amaan & Nabad-gelyo Nabbigeena Dushiisa Allaha yeelo. Kuwaani Waa qoraale Texane ah oo aan soo gudbi doono (ugana hadleyno; waa maxay Cilmigaan (Hrm)?, Howlaha la xiriira Helida Shaqaalaha, Diyaarinta Shaqaalaha, Maareyta mushaaraadka, Iyo waxyaabaha la xiriira joogteeynta Shaqada), Si maamuluhu uga soo baxo Waajibaadkisa si Hufnaan leh, Halka shaqaale kasta oo wax Aqri kara uu si Sahlan ugu caawinayo Maqaalku Gudashada Howlaha loo igmaday iyo Helida Xuquuqda uu leeyahay.

Sida la-wada ogyahay xooga shaqaaluhu (Man-power) Wa mid ka mid ah Qeeyraadka Ummad kastaahi leedahay kaasi oo Kaalin Mug leh kaqaata Kobaca Dhaqaale ee Qoys, Bulsho Iyo Wadan-ba.

Waana kuwa Ka Huffan Aragtida ah; in ay Yihiin kuwa wax Soosaarkoodu kuxiran yahay Cadaadis Iyo kormeer joogta ah ee waa kuwa inagu Caawiya gaarida Himilada Shirkada, Helida Faa’iidada & Sumcada Wanaagsan ee Bulshada.

Sidaa Awadeed Muhiimada Maamulida howshaa Dhumucda lihi wa mid Ubaahan Dhugasho dheer.

MACNAHA (HRM)

Human resource management (HRM) waa Maareynta Shaqada Iyo Shaqaalaha aan is dul-taagno waqti yar si aan faham uga qaadano Weedhahaan ay ka koobantahay;

Human (qof/Ruux); waa Shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee Shirkad.

Resource (Kheeyraadka); oo loola jeedo Helitaan xadidan ama yar ee Shirkadi ubaahantahay sida shaqaale, Qarash Iwm.

Management (Maareyn/Maamul); waa sida loo wanaajiyo iyadoo sida ugu fiican loo isticmaalayo Kheyraadka xadidan ama tirada yar si loo gaaro Himilada & Ujeedooyinka. Waa in si Hufan loo isticmaalo waxyaabaha la heli karo (sida shaqaale & Qarash) si loo guto Shaqada.

QEEXIDA MAAMULKA SHAQADA & SHAQAALAHA (HRM)

Cilmigani Shaqada iyo Shaqaaluhu (HRM) wa Geedi-socod ka Kooban; Howlaha la xiriira Helida Shaqaalaha, Diyaarinta Shaqaalaha, Maareyta mushaarka, Iyo waxyaabaha la xiriira joogteeynta Shaqada.

Armstrong oo ah Qoraaga buugga handbook of human resource management practice ahna nin aad loogu yaqaan Culuumta Maamulka ayaa sidaan u Qeexay “Human resource management (HRM) waa Hab Xeelad/istiraatiiji ah oo isku dhafan kuna haboon Shaqada, Horumarka, iyo bad-qabka dadka ka shaqeeya Ururka” Armstrong (2009). Edwin flippo ayaa ku Qeexay “HRM waa Qorsheynta, abaabulka agaasinka Iyo xakameynta, Shaqaale helida, hormarinta, magdhowga, joogteynta Iyo soo saarida ilaha Aadanaha si loogu guuleysto ujeedoooyinka Ururuka” (Shirkada). Edwin flippo (2007).

Waxaan Oran karnaa waa Aragtida ku aadan sida loo maaamulo Aadanaha iyadoo laga faa’iideysanayo Awoodooda aqooneed ama xirfadeed ee Shaqada Shikad ama Hey’ad.

MAHADSANIDIIN

_______________________

WAXAA QORAY: ABDIFATAAH ALI MOHAMED (Karar)

Caqiil2018@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo laga helay degaanka Katulo

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo dalabyo muhiim ah hordhigtay IMF & Bankiga Adduunka

Caydiid Ali

Wasiiro lagu eedeeyey iney sixir ku heysteen Madaxweynahooda oo la xirxiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---