Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay kulankii Musharaxiinta iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Waxaa xalay kulan xasaasi ah Hotelka Decale ee ku dhax yaala garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku dhax maray Madaxda Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed ,Hirshabelle iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa intii uu socday diirada lagu saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo Muranka ka jira guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer maamul goboleed.

Labada Dhinac ayaa si weyn uga dooday go’aankii dhawaan Xukuumada Soomaaliya ku shaacisay in doorashada la galayo iyada oon wali la xalin khilaafka ka taagan doorashada iyo guddiyada lagu muransan yahay.

Musharaxiinta ayaa u sheegay Madaxda sadexda maamul in aysan suurto gal aheyn xiligan in doorasho dhacdo iyada oon la xalin tabashooyinka taagan sidoo kale aan la qancin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in uu ka shaqeenayo sidii isku soo dhawaansho uga dhax abuuri lahaa Madaxda Dowlada Federaalka ,Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda sadexda maamulka ayaa sidoo kale ka codsady Golaha Midowga Musharaxiinta in ay la hadlaan Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland si xal loo gaaro kana shaqeeyaan sidii ay usoo magacabai lahaayeen guddiga doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda maamulada la kulmay ayaa u balamay kulamo kale in ay isugu yimaadaan, waxa ayna labada dhinac isku sheegeen in muhiim tahay in laga fogaado khalalaase in dalka la galiyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/u-F_4zBARak

Related posts

Carwada Wax Soo Saarka Wershadaha Somaliland oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada..

Caydiid Ali

Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---