Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka oo lasoo qabtay

Laba nin oo ka mid ahaa dadki ugu caansanaa ee Arbacadi xoogga ku galay xarunta Koongareeska Mareykanka ayaa Sabtidi la xiray, iyada oo ay ciidamada amaamnka baadi-goobayaan kuwo kale oo badan.

Labada nin ayaa ka mid ahaa kuwii ay sida gaar ah u qabteen indhaha caalamka, sawirradoodana aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Jacob Anthony Chansley oo kasoo jeeda gobolka Arizona ayaa Sabtidi lagu qabtay isla Arizona. Ninkaan ayaa ah ninki xirnaa koofi maqaar laga sameeyay oo geeso dhaadheer lagu dhajiyay.

Chansley oo ku magac dheer Jake Angeli, ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin ka qeybgaladi qarbudaad iyo dhaqan-xumo.

Ninka kale ayaa ah Adam Johnson ah 36 jir, kana soo jeeda gobolka Florida. Sawirkiisa ayaa kasoo muuqday baraha bulshada iyo telefashinnada isaga oo wata minbarka afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi.

Adam ayaa laga soo xiray Sabtidi Kowntiga Pinellas, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago.

Jimcihi ayaa isna lasoo xiray, Richard Barnett oo kasoo jeeda gobolka Arkansas. Ninkaan ayaa lasoo sawiray isaga oo ku fadhiya kursiga xafiiska Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi, si jees-jees ahna ay lugtiisa u saaray miiska afhayeenka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/u-F_4zBARak

Related posts

Dagaal culus oo baraha bulshada ku dhexmaraya dad taageersan Mooshinka & kuwo diidan

Caydiid Ali

Xukuumada Soomaaliya oo jawaab a bixisay eedeyn kaga timid Hirshabelle

Caydiid Ali

Kheyre iyo Deni oo kala magacaabay 2-Guddi oo qaban qaabiya Aaska Xasan Abshir Farax

Cabdi Cade