Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xog: DF oo qaab musuq ah u qoratay Shaqaale cusub & Masuuliyiin abaal marin looga dhigay

Dowlada Somalia ayaa qaab musuq-maasuq ah u qoraneysa shaqaale cusub oo laga howlgelinayo heyadaha dowlada qaarkood sida ay ogaatay Shabakada allbanaadir Online oo arrintan baaritaan iyo dabagal ku sameysay.

Heshiiska IMF iyo Bankiga adduunka ee deynta cafiska Somalia waxaa ku xusan inaan la geli karin heshiis aan waafaqsaneyn hannaankaas iyo habraacyadiisa, si loo adkeeyo habka maamulka dhaqaalaha dalka.

Qodobada heshiiskaas waxaa ku jiray iney reeban tahay in dowladu qaadato shaqaale rayid ah maadaama aysan jirin miisaaniyad iyo dhaqaale mushahar looga dhigo.

Ha yeeshee waxaa buray qodobbada heshiiska kaddib markii dowladdu si bareer ah u  qoratay bishii December ee sanadkii hore  50 xubnood oo si gaar ah loo siiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Shaqaalaha ayaa laga qoray Jufooyinka ay ka soo jeedaan Mahdi iyo Dubbe oo lagu wareejiyey nidaamka Wasaaradda Warfaafinta.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shaqaalahan cusub abaal marin looga dhigay labada masuul taasoo ay ku muteysteen kaalinta ay ka qaateen difaacida siyaasada Madaxweyne Farmaajo, waxaana shaqaalahan qaarkood laga soo safriyey degaano ka tirsan Somaliland sidan aan xogta ku helnay.

Tallaabadan ayaa niyad jab xooggan ku ah hey’adaha IMF,  World Bank iyo boqolaalka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo sugeyaasha ahaa 4-ta sanno ee dhamaatay, si mutadawacnimo ahna kaga howlgayey Wasaaradaha Dowlada  kuwaasoo ka dhur sugayey deynta cafiska iyo halka uu ku dhammaado.

Xeel dheerayaasha siyaasada Somalia ayaa arrintan ku tilmaamay musuq-maasuqii ugu weynaa ee ay dowladu gasho (the biggest Corruption in government). tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Daawo Xogta Warbiixnta :-

https://youtu.be/ZCm1W7WR0to

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haro Midabka Biyaheeda si Mucjiso isku bedeleen !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo lagu wareejiyay qalab loogu tala galay wax soo saarka Calafka (Sawirro)

Cabdi Cade

Indhacadde ”Farmaajo wuxuu iloobay in ciidamada Badbaado Qaran ay weli joogaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---