Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxaa ka socda kulan u dhaxeeya Madaxweynaha ,Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayaa marxaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii loo socodsiin lahaa lahaa go’aanii shalay Ra’isul Wasaaraha ku dhawaaqay ee ahaa in doorashada laguda galayo si deg deg ah.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxda ku shirsan Villa Soomaaliya ayaa wadaagaya aragtida doorashada iyo caqabadaha soo kordhay tan iyo markii shalay lagu dhawaaqay in doorashada si deg deg ah loo qaban doono.

Shirkan Madaxtooyada  uga socda Madaxda Dowlada iyo Madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa kusoo aadaya xili caawa kulan gaar ah u balansan yihiin in ay yeeshaan Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn uga horyimid go’aanka shalay kasoo baxay Ra’isul Wasaaraga Soomaaliya iyo madaxda sadex maamul ee ku aadanaa in doorashada la aadayo iyada oon la xalin khilaafka ka taagan guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/j-dY8Dirw-0

Related posts

Danjire Madeira oo sheegay in Milateriga Somalia aysan awood u laheyn dagaal

Caydiid Ali

Rooble oo si kulul uga hadlay falkii ay saaka ku dhaqaaqeen kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---