Ciidamada amaanka ayaa xaafada Xamar Bille ee degmada Warta Nabada waxa ay xalay ku qabteen nin hub sharci daro ah watay, waxaana baxsaday oo la baadi goobayaa nin kale oo la socday ninkan lasoo qabtay.
Ninkan iyo biskoolad uu watay ayaa lagu soo bandhigay saldhiga booliiska degmada Warta Nabada , waxa ay sidoo kale ciidamada soo bandhigeen biskoolad uu watay ninkii ka baxsaday gacanta laamaha amaanka.
Guddoomiyaha degmada Wartanabada ayaa sheegtay in raggaas oo gaarayay ilaa 2 lagu arkay,iyaga oo watey hub Sharcidarro ah Xaafada Xamar Bile mid ka mid ahna uu hubkii tuuray halka midka kale ay Gacanta ku hayaan.
Gudoomiye Ku xigeenka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka G/Banaadir Maxamed Tuulax,oo isna ku sugnaa saldhiga ninkan hubeesan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in ciidamada soo qabanayaan cid kasta oo magaalada ku wadata hub sharci daro ah.
Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa xasilinta caasimada ayaa magaalada ka wada howlgalo ay ku beegsanayaan kooxaha falalka amaan daro ka wada magaalada Muqdisho , waxa ay sidoo kale ciidamada qabanayaan dadka hubka sharci darada ah wata.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com