Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka sare oo War kulul kasoo saaray Go’aankii Xukuumada kasoo baxay

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay go’aankii shalay Ra’isul Wasaare Rooble ku cadeeyay in doorashada si deg deg ah loo  bilaabayo.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in Xukuumada ku dhawaaqdo in dalku doorasho galayo iyada oon wax xal ah laga gaarin tabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Aqalka sare in hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya meesha ka saarayo rajadii laga qabay in xal laga gaari doono tabashooyinka ayna dowlada tixgalin doonto in la isugu yimaado shir lagu xalinayo khilaafka taagan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Cabdi Xaashi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/j-dY8Dirw-0

Related posts

Isku soo bax oo beri ka dhacaya Muqdisho iyo qabanqaabo socota (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Baydhabo & khasaare xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Keating oo ka hadlay dhacdadii ugu weyneyd ee uu la kulmay mudadii uu Somalia joogay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---