Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ka socda Kenya oo Muqdisho kusoo jeeda iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkooda

Wafdi ka socda dowlada Kenya ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay wadahadalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ula yeeshaan Madax katirsan Dowlada Federaalka.

Khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana labada dowladood kala qaateen safaaradahooda ,iyadoona xiligan uusan ka dhaxeyn wax xiriir diblumaasiyadeed ah.

Urur goboleedka IGAD ayaana labada dal ee Soonaaliya iyo Kenya cadaadis ku saaraya in ay wada hadlaan kana heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya si mar kale labada dal dib ugu soo celiyaan xiriirkooda.

Waxaa shalay Muqdisho soo gaaray  Guddi IGAD u xil saartay xaqiiq raadinta xaaladaha ka jira xuduuda Soomaaliya iyo Kenya , waxa ayna guddiga la kulmeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan.

Wafdiga ka socda dpowlada Kenya ayaa marka ay soo gaareen magaalada Muqdisho la filayaa in wadahadalo ay garwadeyn ka tahay IGAD in ay la furaan dowlada Soomaaliya si loo dejiyo xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeysa.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in Urur Goboleedka IGAD cadaadis xoogan ku saarayo in ay la heshiiyaan dowlada Kenya lana dejiyo xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/j-dY8Dirw-0

Related posts

Xildhibaanada federaalka oo diyaarinaya Mooshin kale oo ka dhan ah heshiiska dekeda Berbera

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiir Cawad iyo danjire Qin Jian oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay

Caydiid Ali

FIFA oo damacsan in wax laga bedelo afarta sano ee lagu qabto Koobka Aduunka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---