Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geelle oo sidoo kale ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen in doorashooyinka dalku galayo noqdaan kuwo daahfuran oo si xasilloon ku qabsooma.
Daahir Maxamuud Geelle oo muuqaal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa isna faahfaahin a bixiyey kulankaas ayaa sheegay in isaga iyo RW ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan marlaxada dalka, waxaan u gudbiyey aragtida mushataxiinta ee ku saabsan sida looga gudbi karo xaalada taagan, isagana aragtida dowlada ayuu nala wadaagay” ayuu yiri Daahir Geelle.
Waa musharaxii 3aad ee uu la kulmo RW Rooble, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay balan-qaadkii RW ee ahaa inuu la fariisan musharaxiinta iyo cid kasta oo wax ka tabaneysa hanaanka doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com