Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidanka Itoobiya oo howlgal ku soo qabtay aasaasihii Jabhadda TPLF (Sawirro)

Sagaal xubnood oo ka tirsan Jabhadda TPLF ee oo Jimcihii lagu qabtay gobolka Tigray ayaa laga dejiyey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa raggan ka qabtay meel ay gabaad ka dhiganayeen oo u dhow degaanka Kola Tembein oo dhaca woqooyiga Tigray.

Taliyaha howlgalada ciidamada Itoobiya Jen. Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in raggan uu ka mid yahay Sebhat Nega oo ahaa aasaasihii TPLF, kaasoo kaasoo sidoo kale ganacsi balaayiin dollar ku fadhiya ka sameeyey Itoobiya mudadii ay xukunka heysay TPLF.

Sebhat Nega ayaa sidoo kale ahaa ninka labaad ee ugu awooda badan TPLF, marka laga soo tago RW geeriyooday ee dalkaas Melles Zenawi.

Ciidamada ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale dileen ilaa 4 kale intii lagu jirey howlgalkii dadkan lagu soo qabanayey.

Kooxda TPLF oo laf dhuun gashay ku noqotay Dowlada uu hogaamiyo RW Abiy ahmed ayaa weerar lagu qaaday markii ay ka hor yimaadeen xukuumada dhexe, waxaana ciidamada Itoobiya ay gebi ahaan qabsadeen gobolka Tigray, iyadoo hogaamiyeyaashii maamulka TPLF ay noqdeen wax la dilay, wax la qabtay iyo qaar baxsad ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo ka farxisay dadkii la shaqeeyey ciidanka Maraykanka ee ka baxaya Afghanistan

Caydiid Ali

Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Q/M oo fariin adag usoo diray Madaxda Soomaalida

Cabdi Cade

Gabar uu dhalay Madaxweyne Hore oo caan ah oo ka baxday Diinta Islaamka

Cabdi Cade