Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu RW Rooble kala hadlay haweenka labada Aqal ee Baarlamanka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarinta bulshada, gaar ahaan xiliyadii adkaa iyo hadda oo dalku dib uga soo kabanayo.

Haweenka Soomaaliyeed oo qaba walaac ku addan lacagta isdiiwaan gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraasta goleyaasha oo ka badan tii sanadkii hore ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u caddeeyey in dadaal dheeri ah uu ku bixin doonno sidii arrintaa xal loogu heli lahaa.

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Ibraahim Xaabsade ayaa tilmaamatay in haweenku ay helaan matalaad siyaasadeed oo muuqata ay tahay mid ka timid bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyadoo taas laga duulayana ay u howlgeli doonaan sidii loo xaqiijin lahaa kuraasta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Goleyaasha dowladda, waxayna uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha xaqiijinta qoondada haweenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhintay

Cabdi Cade

Benjamin Netanyahu oo qaatay go’aan adag oo Mareykanka ka careysiiyay

Cabdi Cade

Mucaaradka ku kacay Siiriya oo dilay Gen. Porhashmi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---