Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Fariin Cad hawada usoo mariyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galaya Munaasabada Sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay sal u tahay arinta Gobolka Gedo waxaana uu kugu baaqay Madaxweyne Farmaajo ah inuu la yimaado aragti Caafimaad qabta oo lagu xalin karo Xaalada halkaas ka jirta.
 
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo Gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubaland lagu soo celiyo Gobolkaas si ay uga dhaqan gasho Doorasho ay Masuul ka tahay Jubaland.
“khilaafka ka jira Gedo Madaxweynow adiga sharaf kuu aheyn yeysan kugu dhicin suuro ah in Madaxweynaha uu is xijisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadada iyo Madaxtinimadada haddii arrintada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobolada kale xukunto haddii caqabad jiraan waxaa u baahan in laga wada hadlana oo la isu yimaado. Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado”ayuu yiri Axmed Madoobe.
 
Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in Jubaland ay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Senateka Maraykanka oo Trump ka difaacay dacwadii lagu soo oogay

Caydiid Ali

Lubnaan: Kumanaan qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday Weerar

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhig ay dhawwaan wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---