Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay inay ka taqalustay afar ka mid ah saraakiisha sare ee TPLF isla markaana ay gacanta ku dhigtay xubno sar sare.
Madaxa howlgalada ciidanka Itoobiya Birg.Gen. Tesfaye Aylew ayaa sheegay saraakiisha la dilay ay kala yihiin; Seko Ture oo ka mid ah afhayeenada TPLF, Getachew, Zeray Asgedom, Abebe Gebremedhin iyo Daniel Assefa.
Sidoo kale xubnaha la soo qabtay ee la xiray ayaa kala ah:-
Teklewoini Assefa
Dr Solomon Kidane
Gebremedhin Tewolde
Woldegiorgis Desta
Ambassador Abadi Zemo
Kidusan Nega
Tedros Hagos
Mihret Teklay
Abrham Adem Mohammed
Madaxa howlgalada ciidanka Itoobiya wuxuu sheegay in talaabadan ay ka dambeysay howlgal ciidamadu ka fuliyeen degaan uusan magacaabin oo ka tirsan gobolka Tigray, halkaasoo buu yiri ay ku dhuumanayeen xubnaha la dilay iyo kuwa la soo xiray.
Birg.Gen. Tesfaye Aylew ayaa intaas ku daray iney ku raad joogaan madaxda dhiman ee TPLF ayna soo qaban doonaan meel kasta oo ay galaan si buu yiri sharciga loo horkeeno.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com