Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Virander Kumar oo dalkiisu u soo Magacaabay safiirka cusub ee u fadhiya Somalia

Dowladda India ayaa sheegtay inay Soomaaliya u soo Magacawday Safiir Cusub oo baddeli doona Safiirkeedii hore ee fadhiyey Muqdisho.

Wakaaladda wararka ANI ayaa baahisay in Dr. Virander Kumar Paul loo magacaabay Danjiraha cusub ee Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Dr. Virander Kumar Paul ayaa fadhigiisu noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka dib marka Madaxweynaha Somalia uu ka guddoomo waraaqihiisa aqoonsiga.

Dowladaha India iyo Somalia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir taabanaya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo Waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaano Eeyo loo adeegsanayo oo saakay laga sameeyay xafiisyada xartunta gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Nin Qarax miino ku aasayay xaafad katirsan Muqdisho oo la toogtay

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ahmed Almowallad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---