Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Iscasilaada Farmaajo wax aan aheyn Somalia xal uma noqoneyso”

Somalia sida keliya oo ay uga badbaadi karto qalalaaso siyaasadeed waa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo oo haddii taasi aysan dhicin ay sugeyso in lagu maxkamadeeyo qiyaano qaran oo isugu jirta musuqmaasuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa oo keliya inuu ka dhabeeyo in doorashada aysan wakhtigeeda ku dhicin oo uusan xilka si nabada ku wareejin, taasoo ka dhigeysa Muqdisho in cid walba ay hubkeeda ka dhigato dastuurka la isku dhaqayo marka ay dhamaato mudo xileedka Madaxweynaha Farmaajo.

Waxaa jira ciyaar caruureed siyaasadeed oo mucaaradka iyo muxaafadka Farmaajo ay isku tusiyeen tanaasul beenaad iyo wax walba khilaaf jiitama kadib in la xalinayo. Tanaasul iyo isafgarad wuxuu xirmayaa maalinta ay dhamaato muddo xileedka Madaxwewyne Farmaajo.

Markaas wixii ka dambeeya waxaa meesha ka baxaya waxa la yiraahdo mucaarad iyo muxaafad, waayo ma jirto qof si rasmi loogu mucaarado awooda dowladda ama muxaafad loogu noqdo. Cida iska dhaadhicisay in madaxdii horeba ay xilka kororsadeen aysan wakhtigan qiil u noqoneyn ay xilka ku sii joogaan, maxaa yeelay meesha waxaa ka maqan heshiis la wada ogol yahay iyo geedi-socodka qabsoomida doorashada oo cilado farsamo awgeed wakhti xadidan u baahan.

Si walba oo loo loo fiiriyo xaalada Soomaaliya waxey maanta ku dhaanto ma leh in si is’ogol ah xilka looga qaado Madaxweyne Farmaajo, taasoo si nabada loo marayo inta uusan dhamaan mudda xileedkiisu.

Iscasilaad kama suurtowdo oo damaanad qaad ayuu u baahan yahay. casilaad ah in Xoog xilka looga maroojiyana waxey dhiirogelineysaa xukun militari oo xoog ku dhisan. Waxey ahayd fursad wanaagsan madashii dhowaan lagu qabtay Garowe in la isku raaco baaq iscasilaad looga wada dalbanayo Madaxweyne Farmaajo intii ay ku mashquuli lahayeen musharaxa ay qorsheynayaan inuu xilka uga dambeeyo Farmaajo.

Waxa keliya ee loo baahan yahay waa shacabka Soomaaliyeed oo codkooda ku dhiirogeliya iscasilaada Mw Farmaajo. Waxaan iscasilaad ahayn oo maanta xal u noqon karta Soomaaliya ma jirto. Wixii intaas ka baxsan waa ciyaar siyaasadeed caruureed oo ku dambeyneysa qalalaase siyaasadeed.

Gudoomiyaha xisbiga Dadka,
Ahna Musharax Madaxweynaha Somalia
Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)

 

Related posts

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo caawa gudaha u galay Guriceel

Cabdi Cade

Xayiraad lagu soo rogay Akoonada maamulka Gobolka Banaadir iyo Sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacawday dalka Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---