Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo qof oo talaalka cusub ee Coronavirus ugu dhintay dal ka tirsan Yurub

Ugu yaraan labo qof ayaa la sheegay iney dalka Norwey ugu dhinteen talaalka cusub ee Corona waxaana arintaasi ka bilowday Baaritaan sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Wakaaladda daawooyinka ee Norway iyo Machadka Qaranka Caafimaadka Dadweynaha ayaa si taxaddar leh u baaraya laba dhimasho ah oo la soo sheegay si loo qiimeeyo inuu xiriir la leeyahay tallaalka .

“Hadda kuwa ugu jilicsan uguna nugul, ee qaba cudurro halis ah, waa la tallaaley. Markaa waxaa suuragal ah inay dhintaan dhimasho ku dhow waqtiga tallaalka. Waa inaan markaa qiimeyno inay tahay tallaalka sababta dhimashada,  ama inay tahay wax kadis ah inay dhacdo isla marka la tallaalo ka dib” ayuu yiri agaasimaha caafimaadka Steinar Madsen.

Hay’adda daawooyinka ee Norwey ayaa horey uga digtay kiisas la Xiriira saameyn laga yaabo iney ka dhalato talaalka cusub ee Corona, waxayna arrintani walwal badan ku abuurtay dad badan oo shaku ka qaban bad qabka talaalka cusub iyo sida loogu kalsoonaan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaari Weyn oo loo adeegsaday Qaraxii Muqdisho iyo Cumar Finish oo ka hadlay Khasaaraha

Cabdi Cade

RW Khayre oo soo gebagebeeyey safarkiisii Magaalada Gaalkacyo (Halkuu ku sii jeedaa)

Caydiid Ali

Masuul katirsan Maamulka Hirshabelle iyo ilaalo la socotay oo Weerar lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---