Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bulaacad si Casri ah looga dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta u dhaxeysa isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee Muqdisho.
Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caasimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameynta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.
 
Duqa magaalada iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sidoo kale kormeeray wajiga sadaxaad oo uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku dhameestiro xal u helida biyamareenkan si roobabka da’aya uusan u wax yeeleynin wadooyinka magaalada Muqdisho.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato badan ku qaba xili roobaadka oo biyo badan ay xiraan laamiyada iyo wadooyinka muhiimka ah, waxaana sabab looga dhigay in magaalada laheen biyo mareeno iyo bulaacado biyaha ku xaroodaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa iska leh dayuurada aan duuliyaha laheyn ee Milateriga Iran ay soo rideen?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo wada Wadatashiyada dhismaha Xukuumada cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo Nabbad ilaalin ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---