Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho oo Qaab beeleed loo xaliyay

Dagaal u dhaxeeyay saraakiil katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya balse u abaabulnaa qaab beeleed oo isbuucyo kahor ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa xal laga gaaray.

Saraakiisha ciidankooda dagaalka u dhaxeeyay oo baxsad ka ahaa dowlada ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku dhuumaaleesanayay qeybo kamid ah degmada Kaaraan iyo duleedkeeda.

Xildhibaano, Saraakiil iyo Odayaal Dhaqmeed ayaa ku baxay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka ka dhacay degmada Kaaraan iyo sidii looga baaqsan lahaa in mar kale halkaasi ka dhacaan dagaalo kale oo dhiig ku daataan.

Gogol uu fidiyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo kamid ah Waxgaradka beesha Abgaal ayaa lagu dhammeeyay wixii khilaaf iyo dhib ahaa ee  ka dhashay dagaalkii saraakiisha ku dhax maray degmada Kaaraan.

Saraakiishii iyo dadkii kale ee dagaalka u dhaxeeyay ayaana qaarkood la isugu keenay gogasha si ay isku cafiyaan una qaataan nabada, waxaana gogosha lagu heshiisiinayay saraakiisha dagaalantay ku sugnaa xildhibaano iyo Gudoomiyaha Degmada Karaan.

Dowlada Soomaaliya ayaana la ogeyn sida ay ka yeeli doonto saraakiishan ku dagaalamay degmada Kaaraan oo horey dowlada qaarkood ugu jartay waaran soo qabasho ah kadib amar diido ay sameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Janan oo dalka Dibadiisa lagu arkay iyo Wasiir katirsan Dowlada oo la socda

Cabdi Cade

Khayre oo goordhaw safar uga ambo baxay Muqdisho iyo Xog ku aadan Halka uu aaday (Sawirro )

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay qaar kamid ah wiilasha DF tababarka ugu dirtay Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---