Allbanaadir.com
NEWS

Xal Hoose laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi

Warar hoose oon helnay ayaa sheegaya in xal horu dhac ah laga gaaray khilaafkii ka taagnaa guddiga doorashada gobolada Waqooyi uu horey usoo magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamo ay Magaalada Garawe ku yeesheen Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayey isku afgarteen in wax ka bedel lagu sameeyo guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Sida aan wararka ku helnay Mahdi Guuleed ayaa ogolaaday in xubno ka socda Gudoomiyaha Aqalka sare lagu daro guddiga Doorashada gobolada Waqooyi lana bedelo xubnihii horey Xukuumada usoo magacawday qaarkood.

Waxaa jira kulamo kale ay u balan san yihiin Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed Gudoomniyaha Aqalka sare si ay xal buuxa uga gaaraan khilaafka ka taagan Guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa horey uga soo horjeestay sharci darana ku tilmaamay guddiga doorashada Gobolada Waqooyi uu soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xalkan laga gaaray Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa fure u noqon kara in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada lagu muransan yahay ee horey usoo magacaabeen Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda maamulada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbadal weyn oo sanadkan ku yimid Dhaqaalaha dalka Turkiga

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada oo loo xiray xatooyo xoolo dadweyne (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay xarigii loo geestay wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya

Cabdi Cade