Allbanaadir.com
NEWS

Dad ku dhintay Weerarkii lagu qaaday xarunta Koongareeska Mareykanka (Sawirro)

Kumanaan qof oo kamid ah taageerayaasha mayalka adag ee Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa xoog ku galay dhismaha xarunta Koongareeska ee Capitol Hill ee kutaala magaalada Washington D.C .

Ciidamada booliiska Mareykanka ayaa ku guul dareestay in taageerayaashan ka hor istaagaan in ay gudaha u galaan xarunta Koongareeska, waxa ayna dadkan careesna xoog jiireen biro iyo jidgooyooyin booliiska u yaalay.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo isugu jira labo rag ah iyo labo haween ayaa ku dhintay rabshadahan ay xarunta Koongareeska ku galeen taageerayaasha Trump, waxaana dhaawacmay ku dhawaad 20-qof oo u badnaa ciidamo booliis ah.

Xildhibaanada labada aqal ee Koonagreeska Mareykanka ayaa la geeyay xarun ammaan ah, muddo saacado ah kaddib ayaa dib loogu soo celiyay howlki uu shirka ka socday, kaddib marki ay booliska soo celiyeen amaanka iyo kala danbeynta.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa si kulul u camnbaareeyay weerarkan taageerayaasha Trump ku qaadeen Aqalka Koongareeska, waxa uuna ku tilmaamay kacdoon ka dhan ah dowlada iyo Dimuquraadutada Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabadha awoodda badan ee Kim Yo Jong oo digniin adag dirtay

Cabdi Cade

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Itoobiya oo xabsi ku gurtay kumanaan qof oo laga soo tarxiilay Sacuudiga (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---