Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qeyb ka mid ah ciidamada AMISOM oo sabab gaar ah looga saaray Somalia

Uganda oo ka mid ah dalalka ay ciidamada Nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar kamid ah ciidamadeeda ay kala baxday Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyadoo dalkaasi 14 bishan Janaayo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrinkan ayaa sheegay in ciidamo heer sare ah la geeyay magaalada Kambala si ay meesha uga saaraan dambiyada ka dhanka ah amniga doorashooyinka.

Yoweri Musaveni ayaa wuxuu sheegay in cutubyo ka tirsan militariga oo si heer sare ah loo tababaray oo howgallo nabad ilaalin ah ka waday Soomaaliya ay sugi doonaan amniga ka hor doorashooyinka.

Museveni wuxuu sheegay in arimahan ay ku qasbeen inuu dib ugu yeero ciidamada ka joogay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan adkaynta nabada Kampala. “Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciyaaraha Ramadanka oo ka furmay Kambala & kooxda Allbanaadir oo guul ka soo hoysay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: Waare oo ka hadlay canshuurta Muqdisho (Khudbadiisa oo noqotay tan ugu xiisaha badan)

Caydiid Ali

Nin lacag badan kala baxsaday dad doonayay in ay soo xajiyaan sanadkan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---