Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble: “Axmed Cabdinuur wuxuu ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid allaha u naxriistee Rug cadaa saxaafadeed Axmed Cabdinuur oo ku geeriyooday Magaalada London.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay asxaabtii iyo ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri RW Rooble.

Axmed Cabdinuur ayaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, waxaa uuna ka shaqeeyay Radio Muqdisho, Telefishinkii hore ee Qaranka iyo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo uu dhowaan ka tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo James Swan oo caawa kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Cabdi Cade

Howlgal laga fuliyay guryo uu degnaa Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---