Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye ka mid ah kuwa ugu caansan Laanta afka Soomaaliga ee BBC oo geeriyooday

Mid ka mid ah wariyeyaashii ugu caansanaa laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa ku geeriyooday goor dhow magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo guud ahaan bahda saxaafada Somalia.

Saacado ka hor ayuu Ahmed Page-kiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey arrimaha siyaasada Somalia.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku  biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho ka hor inta aan loo wareejin London.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay Rag dilal ka geestay Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Yuusuf Garaad oo War kasoo saaray Guddiga uu Madaxweyne Qoor Qoor ku daray

Cabdi Cade

Masjid 800- sano kahor laga dhisay Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---