Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar Muslim ah oo oo qaaday talaabo dad u badan Bukaano farxad galisay !!

Dhaqtar Muslim ah oo ku nool Maraykanka laguna magacaabo Omar Atiq ayaa go’aansaday inuu deynta ka dhaafo ama ka cafiyo bukaannada la xanuunka Kansarka kuwaas oo in badan oo kamid ah aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagta ku qoran.

“Waqti badan waxaan usoo joognay danyar aan awoodi karin inay iska bixiyaan lacagta isbitaalka,” ayuu u sheegay Good Morning America.

“Aniga iyo xaaskayga waxaan ka fikirnay sida nagala gudboon. Sidaas darteed, waxaan go’aan ku gaarnay inaan ka cafino deymaha.”

Dr. Atiq oo ku gaaroobay daweynta Kansarka wuxuu sannadkii 1991 helay Arkansas Cancer Institute. Xaruntiisa ayaa dhambaal sannadka cusub ku saabsan u dirtay bukaannadeeda.

Dhambaalka ayaa lagu yiri; “Waxay Xarunta Daweynta Kansarka ku faraxsan tahay bedqabkiina iyo soo kabashada muuqata oo aad ka sameyneysaan dagaalka aad kula jirtaan Kansarka, si culeyska dhinaca maaliyadda ah ee idinka heysta bixinta deymaha idin ku qoran aysan mushkilad kale idin kugu noqon, waxaan go’aansannay inaan idin ka cafino deymaha idin ku wada qoran. Waxaan idin rajeynaynaa sannad cusub iyo caafimaad waara.”

Dhaqtarkan Pakistani Americanka ah wuxuu sheegay in sannadkii hore uu ahaa mid caqabado badan uuna ku faraxsan yahay inuu bukaannadiisa u caawiyay maaliyad ahaan.

“Jiradu waa xanuun. Kansar inuu kugu dhacana waa ugu daran yahay; inuu kugu dhacay waqti uu dunida kala xiray xanuunka Corona Virus-na waa musiibo,” ayuu yiri Atiq.

Adduun lacageed oo dhan $650,000 ayaa laga cafiyay ku dhawaad 200 oo bukaanno ah.

“Waxaan ahay qof lamid ah qof kale oo deriskiisa ah, waxaana ku faraxsanahay inaan caawiyaye u noqdo.”

Dr. Atiq wuxuu rajeynayaa in sannadka cusub uu noqon doono mid ka yididiilo iyo fursado badan sannadkii hore.

“Waan jeclahay bukaannadayda; waan daryeelaa; inaan maanta caawiyayna waxay ii tahay farxad.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duulimaadyadii gudaha Mareykanka oo saacado badan la hakiyey+Sababta (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Qatar Airways oo duulimaadkii ugu horeeyey ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo diiday dalab xasaasi ah oo ka yimid dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---