Allbanaadir.com
NEWS

Cida ka Dambeesay weerarki xagga internetka ee lagu qaaday Mareykanka oo la ogaaday

Waxaa dhawaan weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday xoggo muhiim ah lagu qaaday kambiyuutarrada Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka, waxaana hada la ogaaday xogta halka ay kasoo jeedaan burcada Internetka.

War kasoo baxay Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarada dhanka Internetka ee lagu qaaday Wasaarado iyo Hay’addao katirsan dowlada Mareykanka ka dambeeyeen Ruushka.

Weerarka dhinaca Internetka oo laga war helay bishii Decdember ee sanadkii hore ayaa meelaha lagu qaaday waxaa kamid ahaa Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay .

Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono weerarkan dhinaca Internetka iyo hay’addaha ay saameynta ku yeesheen.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Donald Trump ayaa horey weerarkan dhinaca Internetka ee lagu soo qaaday Wasaaradaha Dowlada Mareykanka ku eedeeyay dowlada Shiinaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safaarada Somalia ee Kenya oo Xuska 26-ka June ku qabatay Xaafada Islii (Sawirro)

admin

Maraykanka oo baneynaya Saldhigii ugu weynaa ee uu ku lahaa Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 -ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---