Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masjid ay dhiseen asxaabtii Nebiga NNKH oo waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii Tigray

Masjid qarniyo jiray oo taariikhi ah  ayaa lagu waxyeelleeyay dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku dhex maray milatariga federaalka iyo xoogagga TPLF.

Masjidkan oo lagu magacaabo al-Nejashi ayaa lagu soo warramay in madaafiic lagu garaacay, la bililiqeystay isla markaana laga waxyeelleeyay qabuuro taariikhi ah oo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah asxaabtii nabi Muxammad NNKH.

Dowladda Itooboya ayaa sheegtay la dayactiri doono masjidkaas iyo kaniisad u dhow oo iyaduna ku burburtay dagaalkii socday.

Masaajidka Al-Nejashi ayaa waxaa dhisay muslimiintii ugu horreysay ee u soo haajirtay Afrika xilligii Nabi muxammad, nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee, waxaana soo dhoweeyey Boqorkii Nejashi ee xiliggaas maamulayey woqoyiga Itoobiya oo markii dambe islaamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Magacaabay Madaxweyne ku-xigeeno

Caydiid Ali

Rag bastoolado & bambooyin ku hubeysnaa oo goor dhow Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare hore oo maanta bilaabay xabsi uu 12 sano ku qaadan doono

Caydiid Ali
Taboola Ads ---