Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muradnaga & dad ku dhamaaday (Sawirro)

Saraakiisha Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in la xiray dhowr qof oo loo heysto mas’uuliyadda musiibo ka dhacday magaalada Muradnagar ee gobolka Uttar Pradesh kaddib, taasoo ay ku geeriyoodeen 25 ruux.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa goob qabuuro ah oo ay uga qeyb galayeen aaska meydka nin lagu magacaabi jiray Jarayam oo xanuun aan la shaacinin u geeriyooday

Ka qeyb galeyaasha ayaa dabcan u badnaa qaraabada, asxaabta iyo dadkii dariska la ahaa ninka dhintay.

Ducada ka dib ayuu wadaadkii dhammaan dadkii isugu yimid halkaas ka codsaday inay ku soo ururaan goobta uu meydka yaallay si ay u sameeyaan aamusnaan labo daqiiqo ah oo lagu qaddarinayo qofka geeriyooday”.

Balse Nasiib darro waxaa markii uu qof walba halkaas soo istaagay mar qura soo dumay saqafkii kore ee dhismaha, halkaasoo uu khasaare xoog leh ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado ka tirsan Yurub oo xirxiray xubno lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Xamaas

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Waare oo Jowhar ka furay Kalfadhiga Baarlamanka Hirshabelle

Caydiid Ali

Israel oo aqbashay sii deynta hogaamiye Falastiini ah oo xabsi daa’in ku xukuman

Caydiid Ali
Taboola Ads ---