Allbanaadir.com
NEWS

Maxey Siyaasiyiintu Ka Baran Karaan Macalinka Fagaaraha Siyaasadda Soomaaliya?

Dadka Soomaaliyeed oo lagu sheego bulsho hadal, waxa ay si lamid ah dalalka kale ee caalamka leedahay siyaasiyiin kala aragti duwan oo dhaliil isu mariya warbaahinta, hase yeeshee badankood si toos ah ayey ula hadlaan shaqsiyaadka hoggaamiya cidda ay is-hayaan, sidoo kale inta badan uma qodobeeyaan doodooda si cilmiyeysan, munaasabadahana lama tagaan khudbadao iyo aragtiyo lasoo diyaariyay, wax dhisaya, runtana taabanaya.

Xasan Cali Khayre Geedi oo ahaa ganacsade iyo samafale, dadka Soomaaaliyeed badankoodna ay si wanaagsan u barteen horraantii 2017, ayaa noqday nin aan la loodi Karin, ku wanaagsan fagaare ka hadalka,  si cad u sheega waxa uu diidanyahay, sidoo kale aan ka gaban siyaasadda uu doonayo in la meel marsiiyo.

Khayre oo noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu xukunka dheeraa ee dalka soo mara, ayaa sidoo kale la gaar noqday arrin dadka Soomaaliyeed badankood ayan ku baraarugsaneyn, cid si qota dheer wax uga qortayna aan wali la heyn. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaan waligii qof shaqsi ah si gaar ah wax uga sheegin taa bedelkeeda waxuu abaari jiray hadba arrimaha taagan iyo xalkooda.

Qaacido caan baxday oo loo celiyo Eleanor Roosevelt oo u dhexday madaxweynihii hore ee Mareykanka, Franklin D. Roosevelt, ayaa dheheysa, “Dadka caqligoodu sarreeyo waxay ka doodaan Fikradaha, dadka badankii waxay ka doodaan dhacdooyinka, kuwa maskaxdoodu liidatana waxay ka doodaan shaqsiyaad” waxaana sida laga dheehan karo qaacidadaan, dadka oo dhan meel waliba oo dunida ay ka joogaan ay ku kala duwanyihiin qaab fikirka iyo cabiridda.

Inkasta oo ayan ka dhigneyn in badi Soomaalida qaab fikirkoodu heeseeyo ayaa hadana waxaa xasuus mudan in bulshada Soomaaliyeed inteeda badan, hadii ay ahaan laheyd siyaasi iyo shacab, ay  ka hadlaan oo ay hadal maaleedka ka dhigtaan dhacdooyinka iyo shaqsiyaadka.

Si ka duwan taas, Xasan Cali Khayre waxuu khudbadihiisa iyo hadalladiisa ku saleeyaa firkado, waxa dhici kara hadii arrin si loo dhigo iyo hadii si kale loo dhigo waxa laga filan karo.

Si lamid ah sidii uu hadalkiisa uga ilaalin jiray inuu shaqsiyaad uga hadlo intii uu xukunka joogay, ayuu hadda oo madaxtinimo uu u sharaxanyahay waxuu si toos ah u abaaraa arrinta taagan, xalkeeda iyo waxa ka dhalan kara hadii arrinta xal loo waayo.

Xasan Khayre ayaa markii ay u caddaatay in maamulkii uu ka tirsanaa ay ku haminayaan mudda kordhin, waxuu si cad golaha wasiirrada tiro laba jeer ah uga sheegay in dalka Soomaaliya ay afartii sanaba ay doorasho la isla oggolyahay ka dhici jirtay, waxuuna ka digay waqti dheereysi oo sababi kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

July 25, 2020 ayaa si lama filaan waxaa baarlamaanku ugu dhawaaqeen in xukuumaddii uu hoggaaminayay ay kalsoonidii weyday, arrintaas oo dad badani aaminsanaayeen inuu war ka keeni doono, shaqsiyaad gaar ah ku eedeyn doono, waxa xigi doonana ay musiibo iska noqon karaan, hase yeeshee khudbad la wada sugayay oo habeenkii uu jeediyay ayuu uga hadlay waxa dhacay siday u qaldanyihiin iyo inuu isagu iska tegayo si dalka loo badbaadiyo waxuuna mar kale ku celiyay in qabashda doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacda ay lagama maarmaan tahay.

Khudbado uu ka jeediyay soo dhaweyntii taageerayaashiisu Muqdisho ugu sameeyeen iyo kulankii midawga musharrixiintu Muqdishu ku yeesheen, iyo dhigaallo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayuu dhammaantood uga hadlay xaaladda dalka iyo sida looga gudbi karo xaaladda murugsan.

Taa waxaa sii dheer, Khudbad uu ka jeediyay madasha aragti wadaagga ee Garowe, ayaa noqotay khudbadda kaliya ee sida tooska ah looga hadlay mowduuca dooda, taas oo sii caddeysay in Khayre uusan ka hadlin shaqsiyaad iyo dhacdooyin ee hadalladiisa uu diiradda ku saaro Firkadaha.

Hadaba, su’aashu waxay tahay: Siyaasiyiinta Soomaalidu Khayre maka baran karaan qaab hadalka togan ee ka maran ka hadalka dhacdooyinka iyo shaqsiyaadka mise isaga ayey u aqoonsanaan doonaan nin aan la jaan qaadi karin hab-dhaqanka siyaasadda Soomaalida ee ku saleynsan is-eedeynta iyo isu jawaabidda?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif & Xasan Shiikh oo qaaday talaabo shaki badan abuurtay iyo RW Rooble oo..

Caydiid Ali

Xeebta Liido oo dabaasha laga mamnuucay & amaro lagu soo rogay Hotelada iyo baararka

Caydiid Ali

Saraakiil Ajaaniib ah oo baaraya dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---