Guddiga Doorashada lagu muransan yahay ee Heer federaal ayaa mar kale ku fashilmay hirgalinta jadwalkii labaad ee soo saareen oo ku aadan doorashada Xildhibaanada Aqalka sare oo lagu waday in ay ka dhacdo xarumaha dowlad goboleedyada dalka.
Qoraal ay dhawaan soo saareen Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa lagu sheegay in dib u dhac ku yimid jadwalkii hore oo ahaa in 31-ka bisha December in la qabto doorashada Aqalka sare, waxa ayna Guddiga sheegeen in mudo kordhin la sameeyay.
Guddiga Doorashada oo qoraalkooda ku sheegay in codsi uga yimid Qoor Qoor darteed dib ugu dhigeen doorashada ayaa mar kale soo saaray jadwal labaad oo ay sheegeen in doorashada Xildhibaanada Aqalka sare qabsoomeyso 5-ta Janaayo oo maanta ku beegan.
Waxaa muuqata maanta in mar kale fashilmay jadwalkii labaad ee soo saareen guddiga doorashada Heer Federaal, mana jiro ilaa hada wax war ah oo guddiga kasoo saareen fashilma mar kale ku yimid jadwalkii ay soo saareen.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan , waxaana khilaafka xoogiisa uu ka taagan yahay guddiga Doorashada Heer federaal iyo Heer maamul goboleed oo la sheegay in ay u badan yihiin Nabad Sugida iyo dad ku dhaw dhaw Musharax Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com