Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo maanta bilaabaya la kulanka Musharaxiinta iyo Ujeedka uu ka leeyahay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta kulan la qaato Mid kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya si weyna uga soo horjeeda hanaanka Xukuumada wax ku wado.

Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaare Rooble ayaa laga soo xigtay in maanta kulan gaar ah la yeelayo Ra’isul Wasaare Rooble Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kale ah Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankan ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa dalbaday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo doonaya in kulamo la yeesho Musharaxiinta mucaaradka si uu ugu qanciyo doorashada la filayo in dalka ka dhacdo xalna ugu raadiyo khilaafka taagan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan cadaadis iyo canaan kala kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo ku eedeeyay in uusan diyaar u aheyn la kulanka iyo qancinta Musharaxiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda hanaanka doorashada loo wado.

Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan dadaalada uu Ra’isul Wasaare Rooble ku doonayo in Musharaxiinta ula kulmo kuna qanciyo in ka qeyb galka doorashada aqbalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal Muhaajiriin ah oo kusii jeeday Dal Yrub katirsan oo Nolol iyo Geeri lagu layahay

Cabdi Cade

Wasaarada Caafimaadka oo maalmo ka dib War ka soo saartay kufsiga & dilka Xamdi Max’ed

Caydiid Ali

Fanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob uu ka ciyaarayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---