Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Bogaadisay dadaallada uu Wado Amiirka dalka Kuwait

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Dadaalalada Dowlada Kuwait ee ku heshiisiineyso dowladaha Qatar iyo Sacuudiga oo xiriirkooda sanado kahor go’ay.

Madaxtooyada Soomaaliya warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt  iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Villa Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo Shuruud ku xiray Heshiis uu la galo Dowlada Somalia

Cabdi Cade

President Hassan Has His Finger in Every Pie with Many Controversial Deals Going

Caydiid Ali

Qarax gaari lagu xiray oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---