Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney loo soo Magacaabay danjiraha cusub ee UK u fadhin doona Somalia

Britain ayaa maanta Soomaaliya u soo magacowday Safiir cusub, kaasoo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka danjire Ben Fender oo xiligiisu dhamaaday.

Haweenay lagu magacaabo Kate Foster ayaa loo soo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia taasoo si rasmi uga howlgeli doonta dalka marka ay xilka la wareegto.

Qoraal kasoo baxay dowladda Britain ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub danjire Ben Fender loo wareejin doono xil kale.

Ben Fender oo xilka danjiraha Somalia loo soo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka ayaa muddo ku dhow labo sanno ka howlgalayey dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo u safray dal aan xiriir wanaagsan xiligan la laheyn Dowlada Soomaaliya 

Cabdi Cade

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shuruudo adag ku xiray Imaanshaha Muqdisho

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne Xasan Kheyre oo si Weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---