Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Donlad Trump oo laga duubay Cod sir ah oo Fadeexad ku noqotay

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dalka Mareykanka Donlad Trump , waxaana codkan uu hadal heyn badan ka abuuray gudaha Mareykanka.

Codkan sida qarsoodiga ah looga duubay Madaxweyne Donald Trump ayaa laga maqlayay isaga oo Xoghayaha Maamulka Georgia State ku cadaadinaya inay wax ka bedalaan natiijadii doorashadii looga guuleystay .

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaana baahinaya codkan laga duubay Madaxweynaha uu ku codsanayo in wax laga bedelo natiijada doorashada Georgia State si culees loo saaro Musharaxa ku guuleestay Doorashada ee Joe Biden.

Shaacinta codkan sirta ah ee laga duubay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili ay fashilmeen dacwado badan oo Xisbiga Jamhuuriga ka gudbiyeen natiijada doorashadii Trump looga guuleestay.

Natiijada doorashada ay soo gudbiyeen dowlad goboleedyada dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalinta arbacada ay ansixiyaan natiijada doorashada uu ku guuleestay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qeyb Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Casilay Guddoomiye Gacal (Galmudug Imisa Xildhibaan ayey leedahay?!

admin

Wasaarada Waxbarashada oo si qasab ah ku hirgalineysa Manhaj cusub (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay in la fashiliyay Weerar Al Shabaab saakay kusoo qaadeen Masagawaay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---