Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo si adag uga Falceliyay Go’aan kasoo baxay Dowlada Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ay ku mamnuucday in hubka lala galo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo inta badan madaxda marka ay dhoofayaan iyo marka ay imaanayaan hubka la gali jireen.

Musharax Madaxweyne sidoo kale ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul uga falceliyay go’aankan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ee musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale looga mamnuucay in hubka la galaan garoonka .

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in go’aankan uu yahay mid si gaar ah iyaga loogu beegsanayo, waxa uuna tilmaamay hadii amaanka garoonka yahay mid la isku haleyn karo sababta madaxda Dowlada kaliya loogu ogolaaday in hubka la galaan.

“ In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen Amniga Garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno, hadii ay amniga Garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana cadaalad daro weyn ku tilmaamay in Musharaxa dowlada ee la tartamaya Madaxweyne Farmaajo loo ogolaado in hub garoonka la galo iyagana loo diido.

Go’aankan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ee hubka looga mamnuucay in lala galo garoonka Aadan Cadde ayaa kusoo aadaya xili inta badan Musharaxiinta Madaxweyne ay joogaan Garawe lana filayo in Muqdisho kusoo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso 10-ka Wadan ee laga helay kiisaska ugu badan ee Caronavirus

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo maanta dil u geestay Cumar Qamarji

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka carooday hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Turkiga

Cabdi Cade