Labo qarax oo isxigay ayaa galabta wax yar ka hor xiligii maqribka waxay ka dhaceen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kuwaasoo geystay Khasaare badan.
Qaraxyada ayaa ka dhacay kontrol ku yaalla degmadaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan dowlada.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa koowaad ka dib ay halkaas gaareen ciidamo fara badan iyo shacab halkaas ku dhowaa oo u gurmaday dadka waxyeeladu soo gaartay, hase ahaatee markii ay tageen waxaa goobta ka dhacay qarax kale oo halkaas lagu sii diyaariyey kaasoo geystay khasaaraha ugu badan.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay halka dad 10 ka badana ay ku dhaawacmeen labada qarax kuwaasoo iskugu jiray shacab iyo askar sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad, waxaana weli isa soo taraya khasaaraha.
Dhibaatada ugu daran ayaa aheyd markii la waayey cid u gurmata dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa labaad oo goobta daadsanaa, cabsi dadku ka qabeen iney qaraxyo kale goobta ka dhacaan.
Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, waxaana qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah loo soo qaaday magaalada Muqdisho, xaalada degmada Balcad ayaana caawa cakiran, iyadoo dadku ay dareemayaan cabsi fara badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/39oldNRjzPI