Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Nin qarax ka geystay Magaalada Muqdisho oo toogasho lagu dilay

Ciidamada amniga DF ayaa xalay toogasho ku dilay nin bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidamadu ku leeyihiin isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa markii hore bamka ku tuuray goob ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana ka dib toogasho ku dilay askartii halkaas ku sugneyd xili uu isku dayey inuu baxsado.

Qaraxa ka dhashay bamka uu tuuray ninkan ayay wararku sheegayaan iney ku dhaawacmeen sadex qof oo iskugu jira askar iyo rayid sida laga soo xigtay dad goob joogayaal ah.

Meydka ninkan oo xalay ku baryey nawaaxiga isgoyska Howlwadaag ayaa la soo sheegayaa iney saaka qaadeen ciidamada amaanka, si ay u aasaan.

Inkastoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay weerarkan haddana kooxda Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen, kuwaasoo horey u sheegtay weeraro kan la mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la qarxiyey & Warar ku saabsan qaban-qaabada doorashada Jubbaland

admin

Daawo Video:-Wariyihii Warbaahinta Goobjoog Maxaa loo xiray yaase xiray..?

admin

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---