Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee maanta qaraxa lala beegsaday.
Nin xirnaa waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey degaanka Lafoole xili shaqaale iskugu jira Soomaali iyo Turki ay halkaas ka wadeen dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo heer gebogebo ah maraya.
Waxaa weerarkaas ku naf waayey afar qof oo uu ku jiray Ingineer Turki ah halka afar kale oo Turki iyo Soomaali iskugu jira ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada, isagoo u kuurgalay xaaladooda Caafimaad, waxaana warbixin siiyey dhaqaatiirta la tacaaleysa dhaawacooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed iyo dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.
“Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka”. ayuu yiri RW
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab la beegsatay shaqaalaha Turkida ah.
Dhinaca kale, Wararka ayaa sheegaya in Ingineer labaad oo ka tirsanaa shaqaalaha Turkiga ee ka qeyb qaadanayey dhismaha jidka Xamar iyo Afgooye uu caawa u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com