Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumadda Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii lala beegsaday Ingineerada Turkiga

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali iyo Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho  iyo Afgooye.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mohamed Ibrahim Macalimu ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen afar qof oo isugu jiray saddex askari oo Soomaali ah iyo muwaadin Turki ah, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

“Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey inuu alle u booga dhayo” ayuu yiri Afhayeenka.

Macalimu ayaa sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka ah, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada nabadda iyo horumarka u diiddan.

“In la beegsado dad wado kuu dhisaya waxay astaan u tahay cadaawada ay kooxaha argagxisada ah u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka Xukuumada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la gudbinayo & ciidamada Gorgor oo ku sii jeeda..

Caydiid Ali

Wiil Afrikan ah oo kamid ahaa dadkii ay afduubteen kooxda Xamaas oo geeriyooday

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo Digniin adag u diray dhigiisa Ruushka xili uu Duulaan isku diyaarinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---