Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Jen. Liiban Cali Yarrow.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda inuu noqdo G/sare Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Jen. Liiban Cali Yarrow oo muddo dheer xilkaas hayey

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada ciidamada Maxamuud Axmed Dalab ayaa horey u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Saacid, isagoo horeyna uga soo shaqeeyey Maxkamadii badbaadada dalka ee jirtay xiligii dowladii Kacaanka.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa uu ka tirsan yahay saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aqalka sare oo digniin ka soo saaray doorashada hogaanka Koonfur Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS kaddib shir ka dhacay New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade

Go’aano kasoo baxay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---