Dalka Iran ayaa xus loogu sameeyay taliyihii hore ee ciidamada Khaaska ee ilaalada Kacaanka Iran Janaraal Qaasim Suleymaani iyo saraakiil kale oo lagu dilay duqeyn sanadkii hore Mareykanka ka geesteen dalka Ciraaq.
Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan, Ismaaciil Qaani, ayaa sheegay in wali quluubtooda uusan ka bixin dilkuu Janaraal Qaasim, waxa uuna tilmaamay in Iran uusan dilkaasi kahor istaageyn iska caabinta cadawgeeda.
Ismaaciil Qaani, oo khudbad ka jeedinayay xus loo sameenayay Janaraal Suleymaani ayaa fariin u diray dowlada Mareykanka, waxa uuna u sheegay in suurto gal tahay in qof gudaha Mareykanka joogo uu ka felceliyo falkii lagu dilay Janaraal Qaasim.
Waxa uu sheegay Taliyahan awooda badan ku dhax leh Iran in wali diyaar u tahay Iran in ay u aargudo Janaraal Qaasim iyo saraakiishii kale ee lagu dilay duqeyn Mareykanka ka fuliyay Bagdaad horaanta sanadkii hore.
Ismaaciil Qaani ayaa dowlada Mareykanka ku eedeeyay in ay muddo 30 sano ah raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen Suleymaani,waxa uuna xusay falka ay ku dileen uu albaabbada u furay in wiilashada reer Iiraan ay xor u yihiin u arrgudistiisa.
Dilka Mareykanka u geesteen taliyihii ciidamada khaaska ee Quds ayaa sanadkii hore dhaliyay caro xoogan, waxaana dowlada Iran gantaalo ku weerartay xeryo ciidamada Mareykanka ka joogaan gudaha Ciraaq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com