Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Diyaarado dagaal nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa xalay duqeyn culus la beegsaday Xarunta idaacadda Al-Shabaab ee Andulus ku leedahay deganka Kuunya-Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen jugta gantaalada lagu garaacay xarunta Idaacada Aldulus ee kutaala deegaanka Kuunya-Barrow, waxaana duqeyntan cabsi badan ku beertay dadka deegaankaasi.

Duqeynta lala eegtay xarunta Idaacada ayaa sababtay in bur bur xoogan soo gaaro xarunta iyo qalabkii ay ku shaqeeneysay Idaacadda Andulus oo wararka ku baahisa afka kooxda Al Shabaab .

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada Mareykanka oo loo maleenayo in duqeyntan fulisay ayaan ka hadlin weerarkan xalay lagu qaaday xarunta Idaacada Andulus, lamana oga wali khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi.

Duqeyntan lala eegtay Al Shabaab  ayaa noqoneysa duqeyntii ugu horeesay ee ka dhacda gudaha Soomaaliya, waxa ayna kusoo aadeysaa xili dowlada Mareykanka bilowday in Soomaaliya kala baxdo ciidamadii dalka ka joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Afgooye iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo garab istaag u muujiyay Rooble iyo tuhunka laga qabo oo korortay

Cabdi Cade

Madaxwayne Cagjar oo lagu soo dhoweeyey caasimada Degaanka Oromada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---