Waxaa caawa magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland kulan gaar ah ku yeeshay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Mahdi Guuleed ayaana caawa hoyga uu magaalada Garawe ka degan yahay ku booqday Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada ah Musharax Madaxweyne, kulanka labada masuul ayaana u badnaa salaan iyo is xog wareysi.
Kulanka dhax maray Kheyre iyo Mahdi Guuleed ayaana laga bixin faah faahin dhaafsan salaan iyo sawirro, mana jiro wax war ah ay kulankan kasoo saareen xafiisyada Warfaafinta Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
Xasan Kheyre iyo Mahdi Guuleed ayaa ahaa saaxiibo wada shaqeyn fiican ka dhaxeesay kahor inta uusan Kheyre iska casilin xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, mana jirin wax kulan toos ah oo dhax maray labada masuul markii shaqadaka tagay Kheyre kadib.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com