Allbanaadir.com
NEWS

Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka dhex socda Somaliland iyo Puntland (Akhriso)

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan iskudhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee maanta ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaal culus ayaa aroortii saaka ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo ‘Somaliland’, waxaana lagu soo warramayaa in la isu-adeegsanayo hubka cul-culus.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, ay billaabaan wadahadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Nin sixir iyo turufo kula seexday haween badan kana duubay Muuqaalo oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Maxkamad galabta lasoo taagay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Maxkamada oo diiday in …

admin
Taboola Ads ---