Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa raali galin ka bixisay hadal shalay ka sheegtay garoonka Eng Yariisow xili ay u dabaaldageysay guushii Ciyaartowda Gobolka Banaadir ka gaareen Galmudug.
Basma Caamir ayaa garoonka ka dhax sheegtay in ciyaartoyda Galmudug balan qaadyadii loo sameeyay noqdeen kuwa fashilmay, iyadoona cadeesay in ciyaartoyda Galmudug ay dib ugu laabanayaan magaalada Cadaado.
“Ciyaartoyda gobolka Banaadir waxba looma balan qaadin si isxilqaan ah ayey ku shaqeeyeen, koobkana ku hanteen, dalka ayey leeyihiin iyo caasimada iyo calankaas ayey dfaacayeen, Ciyaartoyda Galmudug ee loo balanqaaday Turkiga hadda Cadaado ayey ku laabanayaan, laakiin kuwa gobolka Banaadir degmooyinka Muqdisho ayey ku dalxiisayaan” ayey ku tiri Basmo Caamir Shakeeti
Hadalka ay sheegtay Basma Caamir ayaana hadal heyn badan iyo caro ka abuuray baraha buslada, waxaana Basma ugu baaqay in raali galin ka bixiso hadalkaasi masuuliyiin iyo dad badan oo taageersanaa ciyaartoyda Galmudug.
Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaana si deg deg ah raali galin uga bixisay hadalka aan ku tala galka uga imaan ee shalay jeedisay, waxa ayna sheegtay in farxada ka tanbadisay.
”Waxaan Shacabka Somaliyed gaar ahaan Dadka kasoo jeeda Degaanada Galmudug & Xulka Galmudug iyo Maamulkoodiba aan ka raali gelinayaa hadalkii hafatka ahaa ee aan maanta Warbaahinta la wadaagay ee ahaa in “Ciyaartooyda Xulka Galmudug ay Cadaado ku laabtaan” Raali gelin ayaan ka bixinayaa waxaana i qaaday Xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banadir, Ma qaldame waa alle” ayey tiri Basma Caamir.
Baraha bulshada ayaana si weyn u qabsaday hadalkan ay Basma shalay ka sheegtay Warbaahinta, waxaana dadka ka felceliyay isugu jireen kuwa hadalkaasi ka careesnaa iyo kuwa kale oo sheegayay in wax dhibaato ah hadalkaasi ku jirin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com