Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Tukaraq iyo khasaare badan oo ka dhashay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka mar kale ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la xaqiijiyey inuu khasaare xoogan ka soo gaaray labada dhinac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in iyagoo ku jira u gurmashada dadkii uu saameeyey roobkii fatahaada watay ee ka da’ay bariga Somaliland la soo weeraray balse ay is difaaceen.

Dhinaca kale, Puntland ayaa iyana dhinaceeda dagaalka ku eedeysay Somaliland, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay guulo ka gaareen.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel ayaa isna sheegay in Somaliland dhankeeda uu weerar uga yimid balse ay iska difaaceen, isla markaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen.

Dagaalka ayaa ka duwan kii maalintii hore waxaana uu si siman uga socdey saddex aag oo kala ah dhanka Dhoodida ee Tukaraq uga beegan dhanka Waqooyi, Dhanka Buundada Tukaraq oo uga beegan Bariga iyo Laba Madaxley oo dhanka Hawdka uga beegan Tukaraq una dhaxaysa Tukaraq iyo Boocame.

Waxaa sidoo kale jira gaadiid dagaal oo labada dhinac ay ku kala qabsadeen dagaalka oo qaboobay gelinkii dambe ee maanta inkastoo rasaas goos goos ah laga maqlayey illaa caawa goobaha labada ciidan ay isku hor fadhiyaan.

Waxaa sii kordhaya baaqyada ka imanaya qeybaha bulshada labada dhinac ee ku aadan in deg deg loo joojiyo dagaalkan, khilaafka jirana si nanad ah lagu xaliyo, mana jirto cid illaa hadda dheg jalaq u siisay baaqyadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali Dil iyo dhaawac loogu geestay weerar lagu qaaday Qabuuro aas ka socday

Cabdi Cade

Xildhibaan Shaaciyay Xiliga Mooshinka Jawaari laga gudbiyay Baarlamaanka la horgeenayo

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---