Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inaan xilalka laga qaadi karin Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah ee Wasaradaha, iyadoo aan isaga lagala tashan.
Qoraal arintan ku saabsan oo ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha ayaa loo kala diray dhamaan xubnaha golaha wasiirada Somalia.
Qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada ayaa horey shaqo joojin ugu sameeyay Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha wasaaradaha, waxaana arintaas ka dhashay khilaaf iyo isqabqabsi badan.
Dhowaan ayey aheyd markii xilka laga qaaday Xoghayihii xafiiska raisul Wasaaraha Maxamed Keynaan ka dib markii lagu helay inuu si aan sharci aheyn xilalka uga qaaday masuuliyiin isaga la shaqeyneysay.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska raisul Wasaaraha ayaa u qornaa sidatan:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com