Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Booliska DF oo fariin u diray taageerayaasha Xulalka Galmudug iyo Banaadir

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee barri ka qaybgalaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale xusay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.

Waxa uu dhalinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Muqdisho faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah cayaartu ku dhacdo.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland: “Soomaalinmo maaha in DF diido kiisaska Coronaviruska aan helnay”

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Khadro Jaamac iyo Cabdinaasir Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

DFS oo Qaramada Midoobay la wadaagtay Daan daansi iyo dulmi ay wado Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---