Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Baarlamanka Britain oo ansixiyey heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub

Baarlamanka Britain ayaa cod buuxa ku ansixiyay heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, waxaana ogolaaday 521 cod.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa goor hore ku booriyey Baarlamanka inay taageeraan heshiiskiisa kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay in heshiisku uu oggolaanayo in ganacsatada ay xiriir ganacsi oo ballaaran ay la yeeshaan Midowga Yurub, mid ka ballaaran kii markii ay Britain ka tirsaneyd suuqa qura ee Midowga oo ay isaga baxayso Jimcaha.

Boris Johnson ayaa intaas ku daray in heshiisku uusan ahayn dhammaad balse uu yahay bilow. Wuxuu xusay inuu bog cusub ka furi doono taariikhda Britain, uuna waddo fiican u horseedi doono Britain.

Heshiiska ayaa soo afjaraya kala go`id soo bilaabatay afar sano iyo bar kahor markii codbixinta aftida la qaaday lagu go`aamiyay in UK ay isaga bixi doonto Midowga Yurub.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ee Brussels ayaa hore u saxiixay heshiiska. Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegay inay tahay xilligii Britain la iska illaabi lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Eritrea oo heegan buuxa laga galiyay iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade

Qatar iyo Imaaraadka oo ku loolamaya Soomaaliya oo marxalad cusub galeysa !!

Cabdi Cade

Shacab careysan oo maalintii labaad Rabshado ka dhigaya Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---