Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo xil cusub u Magacaabay Maxamed Faarax Sabriye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Faarax Shire in uu noqdo Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiiskiisa.

Wareegtada kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xilka looga qaaday agaasimihii hore ee habmaamuuska Xafiiska Ra’isul Wasaaraha , waxaana agaasimahan cusub ee la magacaabay la filayaa in xilka si deg deg ah ula wareego.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay labo wareegto uu soo saaray sidoo kale ku magacaabay Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Afhayeenka xukuumada Soomaaliya.

Magacaabistan uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili kala guur ah oo looga fadhiyo in Xukuumada uu hogaamiyo Rooble in ay qabato shaqooyin badan ay ugu horeeyso qabashada doorasho raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiir Charles oo la shaaciyay in laga helay Caabuqa halista badan ee Caronavirus

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow sida ay u shaqeeyaan Xanaanooyinka laga furay Muqdisho

Cabdi Cade

Jabhadda TPLF oo ciidamada Itoobiya dib uga qabsaday Magaalo Istaraatiiji ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---